Home Maqaalo AL-SHABAAB MIYAA KUJIRA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA!!!.

AL-SHABAAB MIYAA KUJIRA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYA!!!.

38
0

Kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, lana doonayay in looga hadlo arrimaha amaanka dalka oo faraha ka siibaxaya, gadoodka mushaar la’aanta Ciidamada xooga oo qaar ka mid ah furimaha hore ee dagaalka uga soo baxay cabasho mushaar la’aan, ayaa maanta oo Sabti ahayd mar kale ku dhammaaday fowdo, dagaal iyo wax aan hore loo arag loona maqal.

Jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya Xukuumadda hadda jirta iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday mid daah rogay nidaam xumida iyo fashilka xukuumadda, taasoo cabsi weyn ka qabta in ay hortimaado shacabka si wax looga weydiiyo xaaladaha Amaan ee dalka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo kitaabka gacanta u saaray una dhaartay danta Dalka, Dadka iyo Diinta inay u shaqeynayaan ayaa mar kale maanta diiwaanka loogu qoray qaar ka mid ah arrin aan la arag lana maqal, kadib markii xildhibaanadda keenay ajandaha ka doodista amniga dalka iyo kuwo diidanaa difaacna ahaa isku qabteen saxaafadda inay dibad joog ka ahaato kullanka iyo xildhibaano diiday in bannaanka loo saaro warbaahinta.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa la sheegay in laga soo abaabulay qorshooyin midba midka kale uu ka halis badnaa si looga adkaado xildhibaanadda doonayay in Hay’adaha Amniga iyo kan maamulka gobolka Banaadir wax looga weydiiyo amaanka caasimada oo faraha ka baxay, kala qeybsanaanta iyo fowdadii dhacdayna waxay sababtay in kullanka fashil ku dhammaado waana jug jug meeshaada joog, sidoo kalena rajadii shacabka iyo tan caalamka ayaa lagu weynayaa.

Sidoo kale buuqaasi wuxuu sababay in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Waxbarashada C/laahi Goodax Barre uu warbaahinta horteeda ka sheegay in xildhibaanadda ajandaha Amniga soo gudbiyey isla markaana difaacay saxaafada inay goob joog ahaato inay dhammaantood yihiin wakiilo Al-shabaab xiran shaarka golaha shacabka.

Wasiir Goodax intaas kuma uusan ekeene waxa u farmuuqay Xildhibaan Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya inuu yahay Al-shabaab waana tan fajaca iyo layaabka ku noqotay shacabka Soomaaliyeed oo markii horeba shaki ka qabay xirriirka u dhaxeeya dowladda iyo Shabaab.

Haddii Sabti, Isniin iyo maanta oo Sabti ahayd sababo buuq iyo kooram la’aan dartood uu u baaqday kalfadhiga Shanaad ee golaha Shacabka, haddii xildhibaano qaran lagu tilmaamay inay Al-shabaab yihiin, golaha shacabkana u joogin matalaad shacab ee ay u joogaan matalaad Shabaab, haddii shaqadii qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee dhiigbaxaya loo hayay laga dhigay mid qolaba halka ay danteeda ka aragto ku difaacdo, sidee looga bixi karaa dhibaatadda Amni iyo xasilooni darida siyaasadeed ee dalka….?.

Isla xisaabtankii haddii lagu murmaayo, isla markaana ay sii lumeyso dhaqankii wacnaa ee Xildhibaanadda sow ma dhici doona in dalka dib ugu laabto jahwareerkii iyo xiliyaddii adkaa ee la soo maray iyo shacabkii oo shaki ka gala golaha Shacabka iyo xukuumadda marba haddii qaarkood lagu tilmaamay inay Al-shabaab wakiilo u jooga yihiin..?.

Bile Mohamed Abdi (Bile Baastey).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here