Home Maqaalo ABWAAN CABDI HURDAAYE OO WARIYE DUURGAL UGA SHEEKEEYEY QISOOYIN YAAB LEH.

ABWAAN CABDI HURDAAYE OO WARIYE DUURGAL UGA SHEEKEEYEY QISOOYIN YAAB LEH.

2
0

Abwaan Cabdi Yuusuf Hurdaaye ayaa maanta iiga sheekeeyey qisooyin badan oo iga yaabiyey, marxaladihii adkaa ee uu soo marey iyo waxyaabihii layaabka lahaa ee uu u soo joogay xilligii uu dalku burburka ku jirey.

Abwaanka dhacdo walba oo uu la kulmo waxa uu ka tirinayey maanso, balse mid kamid ah ayaan soo qaadaneynaa.

Abwaanka oo subaxaas ka soo baxay gurigiisa oo ku yaaley xaafada Wardhiigley ayaa ku soo hoobtey taaladii Daljirka waxa uuna arkey wadada u dhaxeysa Baarlamaankii hore iyo taalada Daljirka Dahsoon oo lagu gadayo cawska xooluhu cunaan, markii uu sii dhaafey ee uu gaarey Hotel Shabeelle ayaa indhihiisu qabteen jiingado ku wareegsan oo ay Lo, ku xareysantahay, Gurigii Talyaaniga (Kasadii Italiyo), Hoteelkii iyo Jaamacadii Ummadda, markaa ayuu aad ula yaabey heerka aan mareyney, sida ay waayaha qaar meelahan ahaayeen iyo dhibka ku habsadey dalka guud ahaan, waxa uuna markiiba curiyey Abwaan Hurdaaye Maansadan.

“Kuwii danta guud jeclaa, Kuwii dooni jirey wanaaga, Kuwii diidi jirey xumaanta, Kuwii diinta dhowri jirey, Kuwaa la diloo la duugey, Kuwaa dibadaha u yaacey, Kuwaa daqar meel la jiifa, Kuwaa loo diidey hadalkii, Dad aan dhargin oonan daaleyn, Dugaagta sideeda diirato, Oo duurka ka soo dalaabaa, Magaaladii daaf baa degay, Daljirka daartii Shabeelle, Duunyaa lagu daajiyaa, Dagaal oogaha, dhibkiisii ka daran baa noo dadneyd, Dalkaan waligiis inuu degin, Dabkaa holcaaya uu damin, Daleel noqdo oo la dabar go, Duul baa ku dadaala oo jecel, Daa’imow Alloow, duul kheyr leh noo bixi.

Abwaan Cabdi Yuusuf (Hurdaaye) oo ka mid ahaa Abwaanadii wadanka ku sugnaa xilliyadii uu ugu xumaa ayaa dhacdooyin badan oo uu la yaabey iyo marxalado adag goob joog u soo ahaa, waxa uuna mid walba ka sameeyey maansooyin aad ugu haboonaa qisada ay tilmaamayaan, waxaana ku rajo weynahay in aan mid mid idiinla wadaagno si Taxane ah.

W/Diyaariyey: Mohamed Farah Duurgal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here