Abwaaan Sangub oo geeriyooday.

Abwaan Abwaan Xirsi Dhuux Max’ed ayaa Geerida abwaanka sangub u xaqiijiyey warbahinta.

Abwaan Sangub ayaa  oo mudooyinkan la xanuunsanaa cuduro kala duwan oo soo wajahay isagoo isbitaal ugu jiray mudo dheer.

Ugu danbeyntii wuxuu subaxnimadii hore ee saaka ku dhintay mid ka mid ah isbitaalada magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo arrimo caafimaad loo geeyey, kadib markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u qaaday magaalada Maka ee dalka Sacuudiga si uu halkaasi ugu soo cimreysto.

Marxuum Abwaan Max’uud Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa waxa lagu xasuusan doonaa riwaayado iyo heeso badan oo isugu jira wadani iyo jaceyl.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*